诗篇 150

凡有气息的都要赞美耶和华

Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa. 2Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare. 3Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.

4Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile. 5Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer. 6Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.

已复制!
Aa