시편 124

여호와께서 우리 편에 계시지 아니하셨더라면

Haddaan Rabbigu inala jirin Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen, 2Haddaan Rabbigu inala jirin, Markii dadku inagu kacay, 3Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen, 4Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa, 5Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.

6Waxaa mahad leh Rabbiga Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan. 7Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha, Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay. 8Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga Sameeyey samada iyo dhulkaba.

복사됨!
Aa